Baydhabo (dayniiile.com)-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa goor dhaw oo maanta ah  gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta  Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Baydhabo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed
Shir wada-tashi ah oo Baydhaba ka dhacaya ayaa lagu wadaa inuu Wasiirku shir gudoonsho kaasoo ay yeelanayaan Wasiirada Warfaafinta Maamul Goboleedyada iyo Wasaarada Warfaainta Dowladad Soomaaliya iyo Sidoo kale Warfaafinta Gobolka Banaair.
Shirkaan oo uu shir gudoominayo Wasiir Daauud Aweys si rasmi ah looma oga waxa uu ku saabsan yahay waxaase macquul ah inay kaga hadli doonaan hababka ay wararka u gaarsiinayaan warbaahinta madaxa banaan gaar ahaan markeey iyagu warsaxaafadeedyo soo saarayaan ama u hadlayaan madaxda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 person, smiling and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 5 people and dais
Previous articleXOG: Dowlada iyo Al-shabaab Istaraatiiji ahaan yaa ka gudbi kara xaaladaha adag ee ka imaan kara roobabka la saadaalinaayo?
Next articleWasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo Madaxweyne Xasan ku eedeeyay dagaal Beeleedka Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here