Wasiirki hore ee Maaliyada Somalia Maxamed Farkeeti ayaa goor dhaw baraha bulshada soo dhigay digniin culus iyo baaq ku saabsan siyaasada Dowlada Somalia ku maamuleyso Koofurgalbeed,wasiirka wuxuu eedeyn ba’an u jeediyay qorshaha Dowlada isagoona ku tilmaamay awood sheegasho iyo maquunin hirgelinta nidaamka lagu sheegay Qof iyo Cod sida uu warka u dhigay.
Wasirka wuxuu xusay in doorashada ay wadato Dowlada laga soo minguuriyay magaalada Muqdisho si qasab ahna looga hirgelinayo deegaanada Koofurgalbeed.
Qoraalka Farkeeti oo sidisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Baaq iyo Digniin:
Waxaan horey uga digay qorshaha Dowlada Federaalka ka damacsan tahay KGS. Waxaan mar kale halkan baaq cad iyo digniin uga soo saarayaa hirgelinta nidaamka lagu sheegay “Qof iyo Cod” ee awood-sheegashada ah, baalmarsan dastuurka, laga soo minguuriyay magaalada Muqdisho, kaas oo iyadoo la adeegsanayo magac dowladeed si qasab ah loogu hirgelinayo Dowlad Goboleedka KGS keliya.
Nidaamkaas ma noqon doono mid sharci ah, xasiloonina ma keeni doono sababahan awgood:
- Wuxuu baalmarsan yahay Dastuurka KGS iyo nidaamka Federaalka.
- Dowlada Federaalka oo aan haysanin mandate maadaama muddo-xileedka ka dhamaaday.
- Waa nidaam xukuumada, xisbiga talada haya iyo guddiga doorashada mid isku ah.
- Iyadoo dadka KGS ay qabaan tabashooyin, deegaanada qaarna colaad ka jirto iyadoon dib-u-heshisiin la sameynin in doorasho qasab ah laga fuliyo waxay sii hurinaysaa kala qeybsanaan beeleed iyo deganaansho la’aan.
- In shacabka KGS aan waxba laga weydiin rabitaankooda, in si qasab ah doorasho aan heshiis lagu ahayn loogu soo rogo waxay ragaadinaysaa xasiloonida guud ee gobolka.
- Waa doorasho natiijadeeda la sii og yahay.
- Maamul ama hoggaan kasta oo dusha laga soo saaro aqoonsi iyo sharciyad kama heli doono shacabka KGS.
KGS waxay maanta u baahan tahay xasilooni, dib-u-heshiisiin dhab ah, wadatashi loo dhan yahay, iyo doorasho ku timaada heshiis bulsho; balse uma baahna nidaam awood-sheegasho ah oo lagu duminayo deganaanshaha KGS.

