Waxaa cirka isku shareeray khilaafkii u dhexveeyay Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug kadib markii dhawaan Madxweyne xigeenku xilka ka qaaday Wasiirka arimaha gudaha Galmudug.
Shalay waxaa saxaafada heystay war uu madaxweyne xigeenku ku leeyahay warqadii ka soo baxday Madaxweyner Qoor Qoor dastuurka ayay baal marsan tahay taasoo lagu diidanaa xilka qaadista Wasiirka arimaha gudaha, isagoo tilmamaya inay dhaqan gashay xil ka qaadista wasiirka arimaha gudaha, kadib waxaa arinta markiisa soo galay wasiirka la isku hayso nafsi ahaantiisa.
Maxamed Cabdi Waayeel Wasiirka arimaha gudaha Galmudug ayaa shaaciyay in Madaxweyne xigeenka Galmudug uusan xilka ka qaadi karin ama shaqo joojin ku sameyn karin.
“Madaxweyne xigeenka Galmudug Cali Ciid awood uma laha inuu xilka iga qaado sharci ahaaan, maxaa yeelay ma dhigaayo xeerka Galmudug iyo dastuurkaba,Madaxweynaha oo kaliya ayaa leh awoodaas”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waayee.
Khilaafkaan ayaa hadii aan la xalin wuxuu yeelan karaa habacsanaan ku timaada shaqooyinka Dowlad Goboleedk Galmudug.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM