Afhayeen u hadlay dowladda ayaa xaqiijiyay geerida Mr Moyo, kaasoo ku geeriyooday Isbitaal maxalli.

subsiso Moyo ayaa ahaa Jeneraal hore, waxaa lagu xusuustaa inuu sanadkii 2017 uu ku dhawaaqay afgambigii milateriga ee xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore Robert Mugabe.

Moyo ayaa lagu abaal mariyay xil sare oo ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda, kaddib markii uu door ka qaatay ridistii Mugabe.

Dalka Zimbabwe ayaa sanadkan waxaa aad u saameeyay cudurka COVID-19, iyadoo laga helay kiisas gaaraya 28,675 oo kala bar sanadkan cusub uu soo ritay, waxaana u dhintay 825 qof

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here