Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa waraysi uu siiyay BBC Soomaali si faahfaahsan uga warramay xilka qaadistii lagu sameeyay bishii November 2021.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay heshiis ku ahaayeen xilka qaadistiisa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa xilka laga qaaday kadib sanad uu hayay jagadaas oo uu kala wareegay danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka hore ayaa sheegay in todobaad ka hor inta aan xilka laga qaadin uu gudbiyay istaqaaladiisa, kadib markii la xallin waayay cabasho ku aaddan shaqada oo uu u gudbiyay madaxda.

Bishiias November ee aan markaa joognay, ma aanan helin qoondadii dhaqaale ee loogu talogalay wasaaradda ee dhinaca safarrada muddo todobo bilood ah. Aniguna waxaan ahaa wasiirka ugu safarka badan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu intaa raaciyay in deyn badan lagu yeeshay wasaaradda uu markaa madaxda u ahaa, maadaama bishiiba ay ku baxaysay safarrada lacag dhan 40 kun oo dollar.

“Tikidhada waxaan ka sii qaadan jirnay ganacsato Soomaali ah oo iyaguba danyar ah. Markii ay denytaa gaartay 100 kun oo dollar, anigu damiirkeyga wuu isiin waayay in aan sii wado,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasiirkii hore Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in si aan habbooneyn looga qaaday xilka, isla markaana aan lagu sii wargelin ama loo sheegin sababta go’aankaas loo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here