Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa caawa ku qabtay magaalada Jowhar doorashada kursiga HOP141 oo ka mid ah kuraas dhowr ah oo ku harsanaa Hirshabelle.

Waxaa kursigan isku soo taagay Mohamed Abukar Islow oo horey ugu fadhiyey kursigan iyo  Abdullahi Nur Mohamed

Murashax Mohamed Abukar Islow oo kursigan loo xiray ayaa ku guulaystay doorashadan ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlada Hirshabeelle.

Mohamed Abukar Islow ayaa ahaa Wasiirkii amniga ee xukuumadii Xassan Cali Khayre, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida weyn uga soo horjeeda Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here