Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Xildhibaan Fardowso Cigaal ayaa goor dhaw oo saaka ah shaacisay inay iska casishay xoghayihii Batroolka ee xisbiga Madaxweynaha ee JSP iyo guud ahaan xisbiga kadib qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook.
Xildhibaanada ma sharaxin sababta keentay inay gabi ahaanba ka tagto Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) kaliya qoraalkeeda waxay ku soo koobtay is casilaada Xisbiga.
Talaabada is casilaada Fardowsa ayaa ku soo aadaya xili ay maalmahaan danbe aad u soo badnayaan is casilaada xubnihii JSP oo qaarkood xilal sare ka hayay sida C/raxmaan Odowa oo ahaa Xog-hayaha gudu ee JSP.
Qoraalka is casilaada Xildhiban Fardowsa Osman Egal oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

