Wasiirkii Qariyay In Iran Uu Coronavirus Ka Jiro Oo Isagii Laga Helay Caabuqa

Wasiirkii Qariyay In Iran Uu Coronavirus Ka Jiro Oo Isagii Laga Helay Caabuqa.

Wasiirkii Qariyay In Iran Uu Coronavirus Ka Jiro Oo Isagii Laga Helay Caabuqa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa laga helay Caabuqa Corona, xilli ay Iiraan ahdda si weyn ula tacaaleyso cudurkaas oo saameyn weyn ku yeeshay dalkeeda, ilaa haddana dilay 15 ruux.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Iraj Harirchi uu ku dhacay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19, uuna hadda ku jiro karantiil Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa dhanka kale ku boorriyay dadka reer Iiraan inaysan argagixin, isagoo yiri: “Waan ka gudbi doonnaa Caabuqan”.

Saraakiisha Iiraan ayaa isbuucii lasoo dhaafay xaqiijiyay in 95 ruux uu ku dhacay Corona, laakiin waxaa la rumeysan yahay in tirada saxda ah ay aad uga badan tahay intaas Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay “mid walaac abuuraya”.

Agaasime goboleedka hay’addan Qaramada Midoobay hoos tagta ayaa la filayay inuu Iiraan u duulo maalintii Talaadada, laakiin safarkiisa ayaa dib loo dhigay In ka badan 80,000 oo kiisaska Caabuqa Corona ah ayaa laga soo tabiyay guud ahaan caalamka.

2,700 oo ruux ayaa lagu soo warramay inay u geeriyoodeen xanuunkan, tan iyo markii uu dillaacay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay Inta badan dadka uu soo ritay ama dilay waxay ku sugnaayeen waddanka Shiinaha.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064