Muqdisho (dayniiile.com)-Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku wada yeeshay Gudi ka socda Hay’ada Qaramada Midoobe iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Cali Cumar Balcad ayaa gudigaan oo ah kuwa gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) waxay  kala hadleen arimo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan Ashabaab.
labada wasiir waxay warbixin ka siiseen wafdiga, horumarka laga gaaray dhanka Amniga gaar ahaan dhanka la dagaalanka Alshabaab.
Sidoo kale waxay isla soo qaadeen doorka taageerada Dowladu ka hesho Ciidamada Midowga Afrika kuwaasoo Soomaaliya ku jooga magaca ATMIS iyo taageerada kale ee saaxiibada Caalamka.
Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiiru Dowlada arimaha dibada  ayaa si gaar ah waxay ugu sharaxeen Gudiga dadaalka Dowlada Somalia iyo qorshaha mustaqbalka dhaw ee ah Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto amniga dalkeeda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 2 people, beard and newsroomMay be an image of 3 people, people studying and textMay be an image of 8 people and people studyingMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person, dais and text
Previous articleXamze Cabdi-Barre “Puntland waa curudka Madasha Qaran mana aha meel si fudu looga talaabsan karo”
Next articleMuxuu ku saabsan yahay Shirka uu Saciid Dani ka furey Garoowe +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here