
Laba wasiir oo tirsan Israa’iil islamarkaana ah xagjiriin dhibaato ku ahaa shacabka Falastiin ayaa xayiraad caalami ah la saaray.
Dowlada Britain iyo qaar ka mid ah dalal xulafo ah sida Norway, Australia, Canada iyo New Zealand ayaa cunaqabeteyn ku soo rogay labadaasi wasiir sida hantidooda iyo inay dalalkaasi safaro ku tagi karaan intaba.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio oo durba markii warkaasi soo baxay ka hadlay ayaa cambaareeyay go’aanka Dowladahaani cunuqabateynta ugu soo rogeen Israa’iil,wuxuu tilmaamay in talaabadaani aysan caawinayn isku dayga Mareykanka ee xabad-joojinta Gaza.
Uk iyo xulafadeeda waxay u sababayeen xayiraada ay wasiiradaani ku soo rogeen sida ay markasta uga qeybqaataan kicinta ama hurinta ka dhanka ah dhibaateynta shacabka Falastiig gaar ahaan kuwa marinka Gaza ku nool.
Si kastaba labada wasiir oo magacyadooda lagu kala sheegay Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich ayaa la rumeysan yahay inay hanti u taal dalka UK iyo dalalka kalaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM