Wasiiru Dawlaha ahna siihayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS oo la kulmey xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa ee loo yaqaano AFCTFA.

Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS Mudane Cali Cumar “Balcad” oo ka qeyb galaya meertada 37-aad ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la yeeshay xoghayaha Guud ee aagga ganacsiga xorta ah ee Midowga Africa Wamkele Mene.

Advertisement

Kulankan ayaa looga wada hadlay muhiimada uu ganacsiga xorta ah u leeyahay ganacsatada kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan dalalka Africa, isla markaana loo baahan yahay in la dar-dar geliyo arrimaha la xiriira ganacsiga xorta ah iyo in Soomaaliya ay meel mariso ka mid noqoshada suuqa ganacsiga xorta ah ee Africa.

Wasiir Cali Balcad, ayaa dhankiisa tilmaamay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u diyaarsan tahay xiligan sidii ay ula jaanqaadi lahayd dunida casriga ah gaar ahaan is dhex galka ganacsiga africa, isla markaana ay dedaal xoog leh ku bixinayso kor u qaadista xiriirka ganacsi ee Soomaaliya kala dhexaaya dalalka Africa iyo caalamka intiisa kale.

Previous articleSAWIRRO: Sirdoonka Qaranka oo fashiliyay qarax lagu soo qariyay Boorso
Next articleAqoon-yahan si weyn u weeraray amarada aan fulinta lahayn ee Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here