HomeWarkiiWasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Somalia " Hubka waxaa loo ogolyahay Dowlada iyo Alshabaab"

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Somalia ” Hubka waxaa loo ogolyahay Dowlada iyo Alshabaab”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiiru Dowlaha Gaashandhiga Dowlada Somalia cumar Cali cabdi oo maanta wariyayaasha kula hadlayay banaanka xarunta Baarlamaanka Somaliya  ayaa ka dhawaajiyay hadal wariyayaashu aad ula yaabeen xili uu ka hadlayay amniga Caasimada iyo cida hubka ku sidan karta iyo cida loo diidayo intaba.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandjhiga Cumar Cali Cabdi wuxuu sheegay in Muqdisho amni tahay loona ogoleyn xitaa masuuliyiinta inay hub ku dhex qaataan,wuxuu si cad u sheegay in kaliya magaalada loo ogolyahay inay hub ku dhex qaataan Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada Somaliya.

“hubka Muqdisho waxaa wadan kara Dowlada iyo  Al-shabaab oo raba inuu laayo xubnaha Dowlada iyo shacabla” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga

Hadalkaasi waxaa kaliya loo macnayn karaa in Wasiirku ula jeedo Alshabaab iyo Dowlada oo is haya maahee cid kale oo hub wadata lama arki karo ama waxaa loo asiri karaa dagaalka iyo cida hubka isku wadata waa Dowlada iyo Alshabaab cidii kale ee soo sadexeysa Dowladu sida alshabaab ayay ula dagaali doontaa.

Xildhibaanka ayaa warkaasi ka soo baxsaday mar wariyayaashu weydiiyeen Xildhibaanada inay hub magaalada ku dhex qaataan markaasoo kaga jawabay si caro leh isagoo xusaya in magaaladu amni tahay islamarkaana dowladu aqbalayn xildhibaano qabiileysan inay magaalada hub la soo galaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -