MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa si daran ugu digtay mucaaradka Dowlada kadib qoraal uu goor dhaw soo dhigay barihiisa bulshada, Wasiir Fiqi wuxuu qoraalkiisa kaga hadlay Dastuurka isagoo gabagabadana ku karbaashay aragtida mucaaradka ay ka qabaan dastuurka.
Wasiir Fiqi wuxu ugu horeyn qoraalkiisa ku cadeeyay in Dastuurka beri la ansixinayo ineysan markaan wax ajaanib ah ku lug lahayn sida qoraalkiisa uu ku cadeeeyay.
“Dastuur aysan qeyb ka ahayn saddexdaas saxiixe” ayuu yiri 

“Dastuur 100% guddiyo Soomaaliyeed ay soo diyaariyeen, dadka Soomaaliyeedna lagala tashaday, labada aqal Ee barlamaankuna ay ansixinayaan” ayuu mar kale yiri Wasiirka
Mar uu si gaar ah u soo hadal qaaday mucaaradka uguna dhaa hadlayay ayuu sheegay in mucaaradku heysa wax xujo ah oo ay ku sii daafacaan dasturkii hore.
“Kuwa u barooranaya dastuurkii ku meelgaarka ahaa ma haystaan wax xujo ah oo ay ku sii daafacaan” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
