Wax ka ogoow 5 jilaa ee ugu mushaarka badan adduunka?

0

Majaladda The Forbes ee wax ka qorta arrimaha ganacsiga iyo maalqabaneeda caalamka ayaa sannadkan 2020-ka wax ka qortay jilayaasha caalamka ee ugu mushaarka badan.

The Majalladan oo xog baaris ku sameysay maalqabeennada caalamka iyo hantidooda ayaa sannadkan soo bandhigtay aktarada sameeya aflaanta iyo mushaarka ay sannad walba qaataan.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah 10-ka aktar ee ugu mushaarka badan dunida.

The Rock Johnson

The Rock oo ah jilaa sameeya aflaanta dagaalka, heystana dhalashada dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa sannadkan noqday jilaaga ugu mushaarka badan caalamka.

Lacag gaareysa $87.5 milyan oo doollar ayaa la sheegay in sannadkii uu mushaar ahaan u qaato, waxaana ugu dambeeyay lacag dhan $23 milyan oo doollarr oo ay kala saxiixdeen shirkadda Netflix, si uu aflaan ugu sameeyo.

Dwayne Johnson ayaa raacay aabbihiis Rocky isagoo noqday feeryahan.

Guulo waaweyn ayuu ka soo hooyay tartanka feerka, kahor inta uusan u weecan dhanka jilitaanka, wuxuu wax ka jilay filimada kala ah The Scorpion King, Fast & Furious 6 iyo Jumanji franchise.

Reynolds

Jilaa Reynolds oo ah ganacsade sameeya aflaanta, una dhashay dalka Mareykanka ayaa sannadkiiba wuxuu mushaar ahaan u qaataa Forbes ay ku soo warrantay in uu qaato lacag gaareysa $71.5 milyan oo doollar.

Lacag ka badan $20 milyan oo doollar ayuu ka sameeyay hal filim oo keliya.

Aflaanta hadda uu soo wado waxaa ka mid ah Free Guy, The Croods: A New Age iyo Waardiyaha Xaaska The Hitman’s.

Mark Wahlberg

Mark waa jilaa, majaajileyste ah oo u dhashay Mareykanka, sameeyana aflaanta Hollywood-ka. Hal filim uu sameeyay wuxuu Netflix ka noqday filimka saddexaad ee loogu daawashada badan yahay.

Malaayin doollar ayuu ka sameeyay aflaan musalsalka ah. Sannadkii waxaa la soo wariyay in mushaar ahaan uu u qaato lacag dhan $58 milyan oo doollar.

Akshay Kumar

ilaaga caanka ah ee reer Hindiya, Akshay Kumar, waxaa uu sannadkan ka mid noqday 10-ka aktar ee ugu mushaarka badan caalamka.

Akshay oo ka mid ah jilayaasha ugu caansan Bollywood-ka, wuxuu jilay in ka badan 100 filim, soddonkii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu sannadkii mushaar ahaan u qaataa lacag gaareysa $48.5 milyan oo doollar.

Wuxuu noqday aktarka keliya ee ka soo jeeda Hindiya ee ka mid noqda tobanka jilaa ee ugu mushaarka badan dunida.

Inta badan hantidiisa ayaa la sheegaa in uu ka helo xayaysiinta uu u sameeyo shirkadaha waaweyn ee caalamka. Hadda wuxuu ku hawlan yahay filim lagu magacaabo Belbotom.

Akshay ayaa lacagaha ka sameeya qandaraaska jilista filimada iyo ganacsiyo gaar ah oo uu leeyahay, kuwaasoo uu ka mid yahay website bandhigyada lagu shaaciyo oo lagu magacaabo “The End”.

Atoorahan ayaa horay mar kasta safka hore uga jiray isbarbardhigga lagu sameeyo jilayaasha, dadka maalqabeennada ah iyo kuwa saameynta ku dhex leh bulshada.

Sidoo kale diiwaanka guud ee Forbes ee dadka caanka ah ayuu Akshay uga jiraa lambarka da’diisa lamidka ah ee 52-aad.

Filim soo saareyaasha Hollywood-ka ayaa lagu soo warramay inay hadda tartan ugu jiraan sidii uu Akshay uga soo muuqan lahaa filimadooda.

Jackie Chan

Aktarkan ka soo jeeda gobolka Hongkong ee dalka Shiinaha, ayaa caan ku ah aflaanta dagaalka iyo majaajillada isugu jira.

Wuxuu sanadkii la soo dhaafay sameeyay inkabadan 5 filim, wuxuuna mushaar ahaan u qaataa lacag dhan $40 milyan oo dollar.

Inkastoo lacago badan uu ka helo xayaysiinta, haddana wuxuu noqday jilaaga keliya ee ka soo jeeda dal weynaha Shiinaha ee ka mdi noqda jilayaasha ugu mushaarka badan caalamka.

BBC

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here