Sida muuqata waxaa Deni iyo Laftagreen sii xoojinayaan isbahaysi ka dhan ah Damul Jadiid . Isbahaysiga labada nin ayaa dugsanaya saaxiibtinimo soo jireen ah . Xilligii ololaha doorashada Laftgareen dan iyo heelo kama gelin xubno Deni la socday oo reer Koonfur Galbeed ah , halka uu dagaal ka xigay in xildhibaano gobolkiisa ah ka aadaan dhanka musharixiinta mucaaradka .

Laftagreen ayaa habeenkii doorashada qayb ka ahaa isku day la doonayay in Farmaajo wareegii labaad ka haro tartanka oo u wareego Deni . Sidoo kale , wareegii 3aad wuxuu Laftgareen isku dayay inuu Deni ku qanciyo inuu ragiisa u wareejiyo dhanka Farmaajo si aan fursad loo siin musharax mucaarad ah , gaar ahaan XSM .

Jabkii Deni ee doorashada ka dib, wuxuu Laftgareen ka codsaday saaxiibkiis inuu badbaadiyo ee ka difaaco colaad iyo olole ka dhan ah oo kaga soo fool leh Damul Jadiid iyo xulufadoda Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyaan Aden Madobe, Shariif Sakiin iyo Roobow .

Laftagreen wuxuu u ballan qaaday inuu 2026 haddii u kursiga KG ku gaaro uu isaga dhisi doono uuna fursad u abuuri doono. Deni shardi ayu uku xiray Laftagareen oo ahayd inuu haysto taageerada Itoobiya , waxaana taageeradaas markii dame xaqiijisay Itoobiya , waxaana kulan ku dhexmaray labadooda Addis Ababa. Deni ayaa ka dalbaday Itoobiya inay ka taageerto Laftgareen dhanka ciidanka iyo saanadda , sidoo kalena gobolka Gedo laga ilaaliyo in Axmed Madoobe gacan ku dhigo ama Mahad Salad si isu dheeli tir awoodeed loo helo.
Wuxuu kale oo dhankiisa ka ballan qaaday dhaqaale bille ah oo u uku taageero Laftgareen iyo gudbinta wixii rasaas iyo saanad ah ee uu u baahdo.

Deni wuxuu ka dalbaday XSM inuu ka tanaasulo cadawadda uu u hayo Laftgareen , una madax baneeyo qaabka uu u qabsanayo doorashada , wuxuuna uga digay in haddii aanu taas yeelin uu noqon doono Lafta gareen mid doorashadiisa u qabsada sidii Axmed Madobe , kana goosto dowladda federaalka.

XSM wuxuu gaashaanka ku dhuftay dalabka Deni , wuxuuna u sheegay in aanu hawlahaas gelin , uuna ogaado hawsha u taal reer KG oo badi siyaasiyiintooda doonayaan inay kursiga ka tuuraan Laftagareen .

Saciid Deni wuxuu taas u arkay dagaal toosa , wuxuuna u sheegay Lafta Gareen inuu u diyaar garoobo guluf iyo colaad lagu soo qaado. Deni wuxuu la kulmay Fahad Yasin oo uu ka dalbaday in uu Qadar ama xulufo kale looga raadiyo lafta gareen wuxuu qarash bille ah iyo in Cagjar qayb ka noqoto qorshaha looga difaacayo Laftagereen duulaan ka damul jadiid .

Dowlad Degaanku mar horeba qaab ciidan ayay ku taageertaa Laftagreen , waxayna la abaabushay hawlgalo wada jira oo AS lagu bacsanayo iyo ciidamo wada jira oo aagag dhawra wada ilaaliya.

Haatan booqashada Laftgareen iyo Deni ayaa ah qorshahaas soo bilawday oo lasii ballaariyo iyo in safar wada jira lagu tago Addis ababa , lana huwiyo taageerada Laftagreen ee Itoobiya ka helayo la dagaalanka Al Shabaab , iyadoo qalab iyo saanad ba Itoobiya sidaas ugu dirayso Laftagreen. Sidoo kale , Deni wuxuu doonayaa in uu u isticmaalo isbahaysiga uu KG la yeeshay mid u uku cabsi geliyo Xàsan Sheekh Maxamuud , uguna gudbiyo farriin ah in haddii Madobe uu ka kaxaystay uu haysto saaxiib kale oo booskii Madoobe buuxiya .

Deni wuxuu u sheegay Laftgareen in siyaasadda Puntland is bedelin uu xitaa haddii siyaasi kale kursiga kusoo baxo 2024 uu sii wadi doono isbahaysiga , uuna ogaado Laftgareen in maamuladii is bedelay ee PL mid walbaa Jubbaland ka difaacayay culaysyadii uga imaanayay dowladda Muqdisho.

Hadda waxaa Garowe kula sugan Laftagareen siyaasiga Aden Sooransoor oo isagu u xilsaaran inuu fashiliyo dadaalada Aden Madoobe ee kicinta beesha Hadame iyo qoryashaasa kale ee ah in loo sawiro Laftgareen nin Xariina oo aan haysan taageerada siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle.

Isku soo wada duub, isbahaysiga Deni iyo Laftgareen maaaha mid cusub, oo wuxuu na xusuusinayaa isbahaysigii Shaati gaduud oo ay isku reer yihiin Laftgareen gacan yarena u aha aiyo Cabdullaahi Yusuf kaas oo xilligaas ka horjeeday isbahaysigii Caydiid iyo siyaasiyiin Digil iyo Mirifle ah.

Halkan kala socda Aqbaartii ugu dambeeyey ee Siyaasada Somaaliya

www.dayniile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here