1-dii Maarso 2003, labaataneeyo ka tirsan hay’addii sirdoon ee ugu horreysay Pakistan, Inter-Services Intelligence (ISI), ayaa Khalid Sheikh Mohammed ku xidhay guri ku yaal magaalada Rawalpindi ee gobolkaas.

 

Khaalid Sheekh Maxamed ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii 9/11 (11 September 2001) lagu qaaday magaalooyinka Mareykanka.

Isla habeenkaa la qabtay fiidkii, ISI waxay xarunteeda Islamabad ku casuuntay koox saxafiyiin Pakistani ah iyo ajaanib si ay uga warbixiyaan dadka lagu soo qabtay howlgalkaas.

 

Waa dhif in ay dhacdo in sarkaal ka tirsan ISI uu saxafiyiinta ajnabiga ah uga warbixiyo howlgalkiisa gaarka ah. Laakiin dhacdadani waxay sidoo kale ahayd mid aan caadi ahayn, taasoo dhalisay dood soo cusboonaatay oo ku saabsan ISI.

Inta badan saxafiyiinta ka qeyb galay kulankaas warbixin kooban ayaa ay horey u sii ogaayeen xadhiga Khaalid Sheekh Maxamed, taas oo ahayd keliya in laga soo qabtay guri ku yaala magaalada Rawalpindi.

 

Intii lagu guda jiray warbixinta, saxafiyiintu waxay bilaabeen inay weydiiyaan ku xigeenka agaasimaha guud ee ISI su’aalo ku saabsan xidhiidhka ay la leeyihiin Jamaat-e-Islami iyo al-Qaacida ama kooxaha kale ee argagixisada.

 

Ku xigeenka agaasimaha guud ee ISI, ahna sarkaal ka tirsan ciidamada badda, ayaa maalintaas saxaafadda kula hadlay qolka warbixinta “Jamaat-e-Islami wax shaqo ah kuma lihin, al-Qaacida ama koox kale oo argagixiso ah”.

Hawlgalkan ayaa waxa daba socday tobannaan hawlgal oo Pakistan ah oo ay iska kaashadeen hay’adaha Maraykanka ee CIA iyo FBI-da oo dhinac ah, iyadoo dhinaca kalena ay xidhiidh dhaw la lahaayeen dad ugu dhaw dhaw

 

Dad badan oo falanqeeya arrimaha ciidamada ayaa sheegaya in waagii ‘La-dagaalanka Argagaxisada’ uu noqday dagaal sirdoon oo aan ahayn mid ciidan.

Tani waxay muujinaysaa in iskaashiga sirdoonka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Pakistan uu door muhiim ah ka ciyaaray guusha hawlgallada ka hortagga argagixisada.

Heshiiska ‘iskaashiga sirdoonka’ ee Pakistan iyo Maraykanka ayaa la saxiixay wax yar ka dib weeraradii 9/11 ee xagjiriinta, weligeedna lama shaacin.

Heshiiskan ayaa dhaqan galay xilli shakhsiyaad xidhiidh la leh Al-Qaacida ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan dalka Afgaanistaan si ay gabaad uga helaan dalalka deriska la ah dalkaas, kadib markii uu dhamaaday xukunkii Talibanka ee Afgaanistaan.

 

Sannadihii ugu horreeyay, badi hoggaamiyeyaasha al-Qaacida ayaa laga soo xidhay magaalooyinka waaweyn ee Pakistan.

 

Khalid Shaikh Mohammed, oo lagu eedeeyay weeraradii 9/11, ayaa laga soo qabtay Rawalpindi, halka Ramzi bin-al-Sheeba laga soo qabtay Karachi.

\

Khubarada ayaa sheegay in heshiiska iskaashiga sirdoonka ee Pakistan iyo Maraykanka uu si guul ah u dhaqan galay xilli labada dal ay baacsanayaan shakhsiyaad si uun ugu lug leh Al-Qaacida ee ku sugan magaalooyinka Pakistan.

 

Qaab dhismeedka ISI

 

Mas’uuliyadda koowaad ee ISI waa in ay xaqiijiso ammaanka dhabta ah iyo kuwa la taaban karo ee ciidamada xoogga dalka, sida magaceeda ka muuqata, Haayadda Adeegga Sirdoonka.

Dad rayidka ah ayaa sidoo kale xilal sare ka haya ISI, laakiin awood badan kuma laha qaab dhismeedka hay’addan.

 

Sida laga soo xigtay buug uu qoray khabiirka siyaasadda ee Jarmalka Dr Kessling, wuxuu ku noolaa Pakistan 1989 ilaa 2002. Wuxuu ku sharaxay buugiisa in uu yahay urur casri ah oo diiradda saaraya ururinta sirdoonka.

Sida laga soo xigtay isaga waxa uu sheegay “ISI, sida wakaalad kasta oo sirdoon oo casri ah, waxay leedahay ‘baalal’ (waaxyo xidhiidh leh), marka laga reebo toddoba agaasime iyo dhowr lakab oo waaxyo ah.Milatarigu ayaa kubadan maamulka iyo qaab dhismeedka ururka ISI, inkastoo saraakiisha ciidamada badda iyo cirkuba ay ka tirsan yihiin ururka.”

 

DG ISI waxa ay u shaqeysaa sidii xarun isku xidha hay’adaha sirdoonka shisheeye iyo lifaaqyada milatari ee lagu dhajiyay safaaradaha shisheeye ee Islamabad. Sidoo kale, daaha gadaashiisa, waxa ay ka shaqeeyaan lataliyaha guud ee ra’iisul wasaaraha ee dhanka sirdoonka.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadaas ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada qalabka sida, ciidanka cirka iyo kuwa badda ay leeyihiin hay’ado sirdoon oo gaar ah. Kaas oo ay ku jiraan sirdoonka militariga, sirdoonka hawada iyo sirdoonka badda, kuwaas oo aruuriya macluumaadka lagama maarmaanka ah una guta waajibaadka ay u baahan yihiin ciidammadooda.

 

Mararka qaar xogta taas oo kale ah waxaa soo aruuriya ISI iyo hay’adaha sirdoonka ee ciidamadaas la xidhiidha, sababtoo ah dhamaantood waxay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan, waxayna la socdaan dhaq-dhaqaaqyada shakhsiyaadka u arkaan cadowgooda.

Laakiin marka la barbardhigo hay’adaha kale ee sirdoonka, ISI waxaa loo arkaa inay tahay hay’adda sirdoonka ee ugu weyn, ugu waxtarka badan uguna awoodda badan qaab-dhismeedka milatariga.

ISI waxaa loo arkaa inay tahay hay’adda sirdoonka ee ugu weyn uguna ballaadhan Pakistan, laakiin awoodeeda laguma aqoon warbaahinta gudaha iyo qaybta gaarka loo leeyahay.

 

Kolka loo ego sirdoonka caalamkana, waxa ay hay’adda Sirdoonka Paistan ka mid tahay tobanka hay’adood ee ugu sarreeya adduunka.

 

Miisaaniyadda ISI weligeed lama shaacin, laakiin sida lagu sheegay daraasad dhowr sano ka hor ay samaysay Ururka Saynisyahannada Maraykanka ee fadhigiisu yahay Washington, ISI waxa ay leedahay 10,000 oo isugu jira saraakiil iyo xubno shaqaale ah, marka laga reebo wargeliyayaasha iyo dadka xogta siiya ee aan la aqoon, sida cilmibaadhistaas lagu sheegay.

BBC

Office Nairobi kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here