HomeWarkiiWax ka ogow xanuunka faafa ee laga helay magaalada Garissa

Wax ka ogow xanuunka faafa ee laga helay magaalada Garissa

=XIGASHO BBC SOMALI=
Furuqa daanyeerka

Magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa dhowaan laga helay kiiskii ugu horreeyay ee furuqa daanyeerka, iyadoo bukaan ka yimid magaalooyinka kale ee dalka laga helay xanuunka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaarisa ayaa Khamiistii xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay ee furuqa daanyeerka ama Mpox oo laga helay shaqaale caafimaad oo 35 jir ah, taasoo keentay in si degdeg ah loo xakameeyo.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Waaxda Caafimaadka ee Ismaamulka Garissa, kiiska ayaa la xaqiijiyay 29-kii Oktoobar 2025, ka dib baaritaanno shaybaar oo lagu sameeyay Shaybaarka Tixraaca Qaranka (NPHL) ee Nairobi.

Warbixinta oo uu diyaariyay Cali Amiin Xasan, Madaxa Qaybta Adeegyada Caafimaadka ee Kahortagga iyo Wacyigelinta Bulshada ee wasaaradda, ayaa lagu sheegay in bukaanka oo shaqaale caafimaad ahaa laga helay astaamo ay ka mid yihiin qandho, daal, iyo finan 20-kii Oktoobar 2025.

Bayaanka ayaa tilmaamaya in bukaanka uu u safray Nairobi oo uu kaga qeyb galayay shir caafimaadka dhimirka ah laba toddobaad ka hor inta aanay calaamaduhu ku bilaabmin. Muunado la ururiyay 27-kii Oktoobar ayaa laga helay fayraska Mpok, taasoo xaqiijinaysa kiiskii ugu horreeyay ee degmada sanadkan.

Cali ayaa BBC sheegay in xaaladda bukaanka haatan lala tacaalayo uuna caafimaad qabo, isla markaana lala socdo xaaladdiisa.

Wuxuu dadka ugu baaqay inay goobaha caafimaadka tagaan haddii ay isku arkaan calaamadaha uu xanuunkan leeyahay oo ay ka mid tahay finan jirka kasoo baxa.

Kenya ayaa bartamihii sanadkii hore xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee furuqa daanyeerka oo laga helay qeybta koofur-bari ee dalka oo xad la leh Tanzania. Fayraska ayaa laga helay qof ka soo safray Uganda una socday Rwanda isagoo sii dhex marayay Kenya.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in is dhexmarka aadka u sarreeya ee bulshada ee Kenya iyo qeybo kale oo dalalka Bariga Bulshada ka tirsan uu khatar ku yahay inuu cudurka ku faafo gobolka. Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku aaddan in nooca cusub ee dhimashada sababa uu ku faafo Bariga Afrika.

Kiisaska ayaa sidoo kale laga soo sheegay xilligaas Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Burundi iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Waa maxay Mpox ama furuqa daanyeerka?Furuqa

Mpox, oo afka qalaad markii hore loo yaqaannay furuqa daayeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.

Waxaa jira laba nooc oo waaweyn kuwaas oo mudooyinkii danbe laga diiwaan galiyay cayayaanka, mid kamid ah waxaa lagu sheegay in uu ahaa mid si dhaqsi leh ku faafa kaas oo aanan saameyn weyn laheyn, halka midka kale uu yahay mid dilaa ah, waxaana lagu tiriyaa xayawaanada in laga qaado.

Dunida ayaa mar qura ku baraarugtay xanuun faafa kaas oo lagu magacaabo COVID-19 kaas oo si xowli ah ku faafay guud ahaan caalamka, balse midkaan hadda ee MPOX ayaa ka bilowday Afrika waxa uuna ilaa haatan ku faafay dalal aan badneyn walow durba qaylo dhaan laga muujiyay.

29kii Luulyo, Xarunta Yurub ee Ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurku waxay sheegtay in khatarta fayraska mpox ay “aad u hoosayso” Yurub.

Qaar kamid ah calaamadaha

Calaamadaha lagu garto furuqa daanyeerka, waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, barar, dhabar-xanuun iyo muruqyada oo xanuuna qofka.

Marka qofka ay qandhada ka jabo waxaa ku hara nabro yaryar oo jirka ah, badanaa nabraha ayaa ka soo baxa wajiga, ka dibna waxa ay ku faafaan qeybaha kale ee jirka sida calaacalaha gacmaha iyo cagaha.

Finanka nabraha ah ee qofka ka soo baxa ayaa ah kuwo xanuun badan oo ay biyo fariistaan ilaa ugu danbeyn ay qalalaan.

Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga, wuxuu u gudbaa indhaha, sanka ama afka.

Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha.

Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xoogaa daran yahay, khubarradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.

Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.

Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido.

Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas.

Feyraskan waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.

Sida caadiga ah caabuqa nabarada ayaa iska baaba’a inta u dhaxeysa 14 ilaa 21 maalmood.

Furuqa daanyeerka ‘Mpo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -