Waxa Qoray Xildhibaan Suleymaan Faarax, oo kamid ah golaha wakiillada Puntland. Kenya dalka Soomaliya waa ku xad Gudubtay

Waxa Qoray Xildhibaan Suleymaan Faarax, oo kamid ah golaha wakiillada Puntland. Kenya dalka Soomaliya waa ku xad Gudubtay

Kenya waxay dalkeena hooyo kusoo qaaday weerar qaawan, waxay jebisay shuruucdi ilaalinayey madaxbanaanida hawada Soomaaliya, waxay muujisay in ciidankooda jooga Jubbaland, uusan ahayn ciidan nabad ilaalin u jooga dalka balse hor dhac u ahaa weerarka qaawan iyo xadgudubka aan geed loogu gaban ee maanta kenya kula kacday qaranimada iyo madaxbanaanida dalka.

Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Federaalka ee Soomaaliya inay bixiso jawaab munaasib ku ah weerarka foosha xun ee kenya ka yimid, inagoo dareen sareeya ku eegayna waxa kenya duulaankaan uga jeedo in ay tahay Soomaaliya ha carooto hana qaado talaabo caro leh sida inaaynu cilaaqaadka diplomasiyada jarno markaasna qiil ay kiiska dacwada badda uga baxdo ugu mar-marsiyooto.

Muhiimada ugu wayn waa inaynaan kenya siin fursad ay wax kaga qalado dacwada taal Maxkamada Aduunka ee natiijadeeda cid waliba maanta sii ogtahay.

Waxaa nasiib daro ah in kuwii shalay badeena u dhacay kenya maanta 9 sano kadib diyaar u yihiin inay u dhamaystiraan qorshihii ay mudada dheer ku taamaysay ee kenyeynta Kismaayo.
maanta waxaan maraynaa in khaa’in wadanku Soomaaliya ka noqdo qof la maamuuso, roog cas loo dhigo madaxna loo aqoonsado, arintaas oo dhiiragelin u noqota maan-gaab walba oo dalkiisa iyo iyo dadkiisa dilaalnimo dhaafsanaya.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya in ay si wada jir ah u ilaashadaan madaxbanaanida qarannimadooda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064