Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain oo dad badani u aqoonsan yihiin midka ugu fiican taariikhda ayaa hore qiimayn ugu sameeyay saxeexa cusub ee Liverpool ay xalay sida rasmiga ah ugu dhawaaqday ee Arthur Melo.

Labada xiddig ayaa laba xilli ciyaareed Barcelona kusoo wada qaatay kaddib markii uu Arthur kusoo biiray kooxdaas sanadkii 2018, xiddiga ree Brazil ayaa 72 kulan usoo ciyaaray Barca isaga oo afar gool iyo lix caawimo soo sameeyay.

Messi ayaa mar uu 2018 ka hadkayay ganacsigii sanadkaas kooxdiisu ka samaysay suuqa Arthur barbardhigay halyeeyga Barcelna ahna tababaraha haatan ee kooxdaas ee Xavi Hernandez isaga oo sheegay inuu leeyahay hab ciyaareedka kuliyada La Masia ee Barca.

“Ciyaartoyda yimid waa kuwo aad u wanaagsan, Arthur anigu wax badan kama garanayn balse wuxuu u muuqdaa sida Xavi” ayuu hadalkiisa ku bilaabay wakhtigaas Leo.

“Isagu waa mid aad u sugan oo aaminaad mudan, wuxuu leeyahay hab ciyaareedka La Masia. Wuxuu ciyaaraa baasas gaagaaban isaga oo aan kubadda luminayn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here