Waxaa Garoonka Muqdisho goor dhawayd ka soo dagay  Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya kadib socdaal uu maalmahan ku joogay magaalada Dhuusamareeb oo uu uga soo qeyb-galay shirka wada-tashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maanta hortegaya xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo u jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee kulanka baarlamaanka ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, iyada oo horey loogu war-geliyey xildhibaaanada labada aqal.

Farmaajo ayaa laga Dareemayaa Caro aad u xoogan Wajigiisa markii uu shirka u soo bur buray Madaxiisa sida ay sheegeen dadkii ku sugnaa dhuusamareb

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here