Waxaa goor dhawayd Hotelka Decale oo ku yaal garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho shir uga furmay Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid la wada sugaayay ayaa waxaa Maanta qeyb ka ah Ra’iisul Wasaarhii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ka cudur daartay in uu ka qeyb-galo shirkii hore iyo Xubno kale.

Sidoo kale Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in shirka looga hadlayo  sidii loo sii dhameystiri lahaa heshiiskii 25kii Febraayo, isla markaana Xukuumadday ay dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here