Waxaa qoray Sanoter Cabdixakiin Macalin.

” Kuwii shalay dadkeena qolo qolo iyo qoys qoys isugu laayay, noloshana kala dagaalamayay deegaankii iyo daadkii ay u talinayeen ayaa maanta doonaya in ay dib ugu noogu celiyaan maalimihii mugdiga iyo Dowlad la’aanta.

Waxaan usoo jeedinayaa Guud ahaan dadka reer Galmudug gaar ahaan kuwa deggan Dhusamareb iyo hareeraheeda in ay ka feejignaadaan hagar-daamada, marin habaabinta iyo magarta lagu doonayo in dib loogu celiyo dadkeena.

Kuwa qoriga caaraddiisa ku raadinaya xukunka iyo Xoolaha iyagoo u maraya dadka oo been loo sheego iyo iyadoo magaca diinta la’adeegsado, waxaan leeyahay waqtigaasi Waa dhammaaday ee dadkiina dhinac ka raaca.

Ugu danbayntii Bulshadeena waxaan usoo jeedin lahaa in ay kala gartaan Culimada Ahlusunna kuwooda ka shaqeeynaya diinta iyo barashada cilmiga iyo kuwa Culimada sheeganaya lkn bannaysanaya dhiiga dadka muslimka ah abaabulaya colaad sokeeya waliba xilli aad u adag oo ay roob la’aani jirto.


Mahadsanid
Ilaahay wanaagga hanna waafajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here