Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda walaalkay oo 11 jir ah isla markaana qaba xannuunnada qalalka iyo suuxdinta, anigoo ka cabsi qaba in uu heli waayo dawooyinka uu u baahan yahay xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda deegaanka Tigray.

Isaga iyo xubnaha kale ee qoyskeyga waxa ay ku nool yihiin xarunta deegaankaas ee Mekelle. Wicitaankeenii u dambeeyayna waxaan uga hadalnay dawooyinkiisa.

Maadaama dawooyinka uu qaato ay yihiin kuwo qaali ah mararka qaarna aan laga helin farmashiyayaasha Mekelle, ayaa waxaan qoyska u sheegay inaan u diri doono lacag ay dawooyinkaas uga soo iibsadaan caasimadda Addis Ababa.

Lacagta ayaan ka diray bangiga aan isticmaalo ee Nairobi, balse maadaama Baanka Qaranka Itoobiya uu xirayo in ka badan 600 oo xarumood oo ku leeyahay Tigray dagaalka awgii, ayaa qoyskeyga waxa ay la bixi waayeen lacagtaas.

 

Xitaa haddii ay helaan lacagta, waxaa ku adkaan doonta inay dalbadaan dawooyinka, sababtoo ah waxaa joogsaday dhammaan duulimaadyada taga deegaanka Tigray. Sidoo kale waxaa la joojiyay safarrada dhulka ee u dhexeeya Mekelle iyo Addis Ababa oo isu jira 700km, taasoo keentay in Tigraay badan ay ku xayirmaan caasimadda.

Hawada deegaankaas ayaa hadda waxaa isticmaalaya diyaaradaha dagaalka oo keliya.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo sanadkii hore ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ayaa uga digay shacabka inay isugu tagaan goobaha, xilli uu amray in ciidamada cirka ay duqeeyaan keydka hubka milateri ee xooggaga deegaanka. Waxa uu doonayaa in maamulka TPLF uu kala wareego awoodda Tigray kadib markii ay ku eedeeyeen inuu si sharci darro ah ku joogo xafiiska ayna sida la sheegay duulaan ku qabsadeen saldhig milateri oo ku yaal meel u dhaw Mekelle, walow ay arintaa beenisay xukuumadda Tigray.

 

Maamulka Tigray ayaa si weyn u xakameeyay isu socodka dhulka ee deegaankaas. Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalka uu ka socdo sideed goobood oo ay kamid tahay degmada Humera ee caanka ku ah beeraha sisinta. Xilligan ayaa ah waqtiga ay soo go’do sisinta, waxaana dadka deegaanka ay gacan ka helaan shaqaalo uga yimaada deegaanka Amxaarada, taasoo muujinaysa sida ay isugu tiirsan yihiin qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Cabsida iyo kala shakiga ka dhashay dagaalka ayaa sii xoogeysanaya. Qaar kamid ah askarta Tigray ee ka tirsan milateriga iyo booliska Federaalka ayaa ii sheegay in lagu amray inay wareejiyaan hubkooda, aysanna shaqada tegin.

Biyo yari

Markii uu soo baxay warka ah in dagaalka uu bilowday saacadihii hore ee 4-tii November, xilli uu caalamka indhaha ku hayay doorashada lagu murmay ee Maraykanka, ayaa waxaa farriin ii soo diray qof aan saaxiibo nahay, oo igu yiri: “Ma maqashay waxa dhacay? Qoyskaaga ma la hadashay?”

Waxaan durbadiiba wacay telefoonnada waalidkey iyo walaalahay, balse waa ay ii bixi waayeen maadaama la jaray isgaarsiinta telefoonnada iyo internet-ka.

Waxaan si gaar ah u tebay walaalkay yar. Maadaama uusan hadli karin, waxaan ku arki jiray wicitaannada muuqaalka ah ee aan qoyskeyga kula xiriiro.

Hadda waxaan isku mashquuliyaa sawiraddiisa, waxaana rajeynayaa in colaadda ay soo afjaranto si uu u helo dawooyinkiisa. Waxaan ka fekerayay inaan keeno Nairobi si xaaladdiisa wax looga qabto isla markaana aan u iibiyo gaariga curyaanka maadaama uu dhib ku qabo socodka.

Balse waxaa oo dhan hadda ma dhici karaan, balse ka warran haddii uu dagaalka sii socdo? Waa wax dhici kara maadaama uu ra’iisal wasaaraha diiday wadahadal, halka dhanka maamulka TPLF aanay si fudud isu dhiibi doonin dagaal la’aan.

 

Marka maxaa ku dhici kara qoyskeyga iyo kuwa kale? Ma waxaa saameyn doonta cunno yaraan? Sicir barar? Sidee ayay u maareyn doonaan lacag la’aanta haysata, gaar ahaan kuwa ku tiirsan biilasha dibedda looga soo diro?

Durbadiiba waxaa la soo wariyay in burka iyo shidaalka ay gabaabsi ka yihiin Tigray, waxaa se ka sii daran in biyaha ay yaraadeen oo uu maamulka billaabay inuu tashiilo.

Magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin dad ku dhaw nus milyan qof ayaa guryaha waxa ay todobaadkiiba mar heli jireen biyo qasabadaha ah, balse taa hadda ma jirto.

Qoysaska ayaa biyaha ka iibsan jiray biyooleyda, hase yeeshee maadaama ay telefoonnadu go’an yihiin suuragal ah ma ah inay dalbadaan biyaha.

Khamiistii ayaa waxaa la sheegay in biyo xireen korontada siin jiray deegaanka ay waxyeelo ka soo gaartay duqeynta diyaaradaha Itoobiya, sidaana ay korontadu ku go’day.

“Ha xiran dharka cad”

Walaaca ugu weyn ee aan qabo ayaa ah in taangiyada ay galaan magaaladeyda ama lala beegsado duqeymaha cirka ah.

Waxaan si weyn u xusuustaa colaaddii Itoobiya iyo Eritrea dhexmartay 1998-2000, xilligaas oo hooyaday ay nagu celin jirtay guriga xilli ay na argagax gelin jireen diyaaradaha dagaalka. Waxaa na loo sheegi jiray inaan xiran dharka cad si aan na loo beegsan.

Sanado badan ayaa ka cabsan jiray xirashada dharka cad, illaa markii dambe aan la qabsaday.

Marka shacabka Mekelle ayaa si lamid ah shucuubta kale ee Itoobiya u soo joogay dagaallo is xiga.

Waxa ay hadda ka walaacsan yihiin colaaddan, gaar ahaan xilli uu soo dhaw yahay waqtiga feestada.

Waxaan ku talo jiray inaan bisha dambe ku laabto Mekelle si aan ciidda masiixiga ee Itoobiya oo dhacda bisha January aan uga qeybgalo. Sidoo kale, waxaan isu diyaarinayay inaan guursado saaxibkay aan uga soo tegay Mekelle markii aan shaqada ka helay BBC xarunteeda Nairobi.

Balse qorshayaashaas ayaa hakad galay, maadaama aan wax xiriir ah la samayn karin qoyskeyga. Waxaan soo xusuustay aabahay oo markii uu bilowday dagaalkii labada waddan waayay xiriirka walaashii oo ku sugnayd Eritrea.

Labaatan sano ayaa waxa uu ka hadli jiray sida uu ugu xiisay walaashii. Markii dib loo furay xuduudda labada waddan kadib heshiiskii Abiy uu la gaaray Isaias Afwerki 2018, ayaa waxa uu damcay inuu raadiyo, balse waxaa loo sheegay inay mar hore geeriyootay.

Dedaalkii nabadeed ee uu kula heshiiyay Ertirea ayaa sanadkii 2019 Abiy waxa uu ku helay abaalmarinta nabadda ee ugu caansan caalamka ee Nobel-ka.

Si lamid ah dad badan oo kale, waxaan rajeynayaa in ra’iisal wasaare Abiy iyo hogaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichae ay hadda nabad gaaraan.

Haddii kale, naceybka ayaa ku sii ballaaran kara waddan ay hareeyeen colaadaha qowmiga ah isla markaana ay ku barakaceen ku dhawaad laba milyan oo qof, ayna kamid yihiin in ka badan 100,000 oo Tigray ah kuwaas oo qeybaha kale ee Itoobiya ku baahsanaa tan 2018.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here