Waxaan arkayaa, iyada oo aan weli doorashadii madaxweynaha la gaarin dad badan oo mucaaradnimada ku talax-tegay, iskana dhaadhiciyay haddii la doortay guddoomiye ka tirsan mucaaradka in ay la macno tahay in Farmaajo laga guuleystay, waana iska dhaadhicin aan sax aheyn.

Dib u xusuuso, shirkii lagu qabtay Mbagathi-Kenya doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ku tartamay Shiikh Aadan madoobe oo ay wateen kooxdii uu horkacayay C/llaahi Yuusuf & Shariif Xassan oo ay wateen kooxihii ka soo horjeeday oo ay ku jireen hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, waxaana xilkii guddoomiyaha baarlamaanka ku guuleystay Shariif Xassan, haddana doorashadii madaxweynenimada waxaa ku guuleystay C/llaahi Yuusuf, marka waa in laga war hayaa in xisaabtu dhinac kasta aadi karto.

Teeda kale. Hal-hays waxaa jira inta badan lagu celcelin jiray oo ahaa; USC weligeed hal qaddiyad ayeey ku midowday, taasoo aheyd in MSBarre la rido, balse ma jirin qorshe ay ugu talogaleen ridistii Siyaad kaddib maxaa qorshe & xal ah. ? Maanta kuwa Farmaajo mucaaradka ku ah waxaan hubaa 100% in aysan isku raaci karin qofkii Farmaajo beddeli lahaa.

Farmaajo ninkii jeclaa iyo kii necbaa ba “on the record” wanaag badan oo aan laga xaqiri karin ayuu sameeyay, gefaf uu ku dhacay oo lagu xasuusan doona na waa jiraan, [hadduu soo laabto wuu ba soo laabtay], haddii laga guuleysto muhiimadu waxay tahay in la helo team geediga dowladnimada sii wadi kara, oo meesha la joogo aan hoos laga sii aadin.

Dowladnimada Soomaaliya maanta waxay ku dhisan tahay dulqaadka shacabka iyo cadaadiska beesha caalamka, haddii berri beesha caalamku tiraah: kuwaan waa na wareeriyeen aan isaga dhex baxno, maxaa dhici kara.? Koleey anigu wax rajo ah kama qabo baarlamaanka aan arkay in ay soo saaraan cid dalkan maanta badbaadin karte, shacabka waxaan leeyahay hurdada ka kaca.

C/shakuur Cilmi Xassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here