Xalay oo ahayd saacadaha ugu dambeeyay suuqa xagaaga ayaa ahaa kuwo layaabku ku badan yihiin oo kooxuhu badi isku dayayaan inay xilli dambe dhaqdhaqaaq lama filaan ah sameeyaan.

Mid kamida kooxaha isbedelada badani ka dhaceen ayaa ahayd Barcelona oo la saxeexatay labada daafac garab ee Marcos Alonso iyo Hector Bellerin.

Sidoo kale Barcelona ayaa iibisay Aubameyang oo dhinaca Chelsea u wareegay isla markaana la filayay inay dirto Memphis Depay.

Depay ayaa mar dambe xaqiijiyay inuu bedelay go’aankiisii mudada dheer la filayay oo uu xilli ciyaareedkan oo ah midka ugu dambeeya heshiiska uu Barcelona kula joogay iska sii joogi doono kooxdaas.

Depay ayaa in badan lala xidhiidhinayay kooxda Juventus balse waxay xilli dambe isku diideen mushaharka oo uu ku qaaliyeeyay halka xalay mar lala xidhiidhiyay Chelsea balse aysan waxba qabsoomin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here