=XIGASHO LAACIB.NET=
Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ayaa si weyn u ammaanay kooxda Paris Saint-Germain, isagoo xusay inay si heer sare ah u ciyaareen xilli ciyaareedkii hore, balse wuxuu si cad u muujiyay rabitaankiisa ah in kooxdiisu wajahdo PSG xilli ciyaareedka cusub si loo ogaado cidda dhab ahaantii ugu awoodda badan qaaradda Yurub.
Laporta ayaa yiri:
“Paris si aad ah ayay u ciyaareen xilli ciyaareedkii hore. Waxay ku guuleysteen Champions League iyo horyaalka Faransiiska. Waa koox kubad qurux badan ciyaarta, leh tababare fiican iyo ciyaartoy tayo leh. Nasiib-darro, ma aysan dhicin inaan la ciyaarno.”
Isagoo hadalkiisa sii wata, Laporta wuxuu intaas ku daray:
“Waa ciyaar dunidu sugeyso. Waxaan aaminsanahay annaga iyo PSG inaan ahayn labada kooxood ee ugu awoodda badan, uguna diyaarsan xilli ciyaareedkii tagay. Waxaan rajeyneynaa inaan sanadkan wajaho si loo ogaado cidda fiican.”
Madaxweynaha Barca ayaa qiray in kooxo cusub laga yaabo inay soo muuqdaan xilli ciyaareedkan, balse wuxuu rumeysan yahay in Barca iyo PSG ay ahaayeen labada koox ee ugu fiican xagaagii la soo dhaafay:
“Waxaa laga yaabaa in koox kale oo kubadda quruxda badan ciyaarta ay soo baxdo, balse xilli ciyaareedkii hore, cid kasta oo ciyaaraha jecel waxay isku raaceen in Barcelona iyo PSG ay ahaayeen kuwa ugu fiican dunida.”
Laporta wuxuu sidoo kale bogaadiyay qaabka cusub ee Champions League, isagoo sheegay:
“Waxaan hambalyo u dirayaa Alexander Ceferin, oo ah ninka ka dambeeya nidaamka cusub ee tartanka. Wuxuu sare u qaaday heerka tartanka. Waa nin fahamsan kubadda, wuxuuna si dhab ah u jecel yahay Champions League. Waan hubaa inuu jeclaan lahaa ciyaar dhex marta PSG iyo Barcelona, xitaa haddii uu daawanayo ama uu joogo garoonka dhexdiisa.”
