XIGASHO LAACIB.NET
Kabtanka Arsenal, Martin Odegaard, ayaa si adag uga jawaabay dhaliil uu horey ugu jeediyay kabtankii hore ee kooxda, Tony Adams, kaas oo sheegay in Mikel Arteta uusan ku guuleysan doonin Premier League inta uu Odegaard yahay kabtanka Arsenal. Adams ayaa ku dooday in Declan Rice uu yahay qofka ugu habboon xilkaas.
Odegaard, oo arrintaas laga weydiiyay wax, ayaa yiri:
“Si daacad ah, waxba igama gelin. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa dhiibto oo uu yiraahdo waxa uu doono, waana caadi. Aniga ima saameyso waxa dadka kale yiraahdaan. Wax badan oo togan iyo tabanba waad maqleysaa, laakiin ma ogolaan karo inay noloshayda ama ciyaarahayga saameeyaan. Sidaas ayaan u fikirayay intii aan xirfaddan ku jiray.”
Hadalka Odegaard ayaa muujinaya kalsooni iyo diidmo uu kaga jawaabayo dhaleeceynta, isagoo caddeeyay inuusan wax shaki ah ka qabin doorkiisa kabtanimo ee Emirates.
XIGASHO LAACIB.NET
