Weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo kulankiisii ugu horreeyey ee Barcelona u saftay Axaddii ayaa maanta hor yimid warbaahinta isaga oo tababare Ronald Koeman ku wehelinayay shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta Dynamo Kiev.

Aguero ayaa u sheegay ciyaartoyda iyo taageereyaasha, in kooxdoodu ay rajo la’aan ka noqon doonto tartanka Champions League oo ay ku hadhi doonto wareegga koowaad ee Group-ka haddii ay Arbacada guul ka keeni waayaan ciyaarta Dymamo Kiev.

Barcelona ayaa waxa labadii ciyaarood ee ugu horreeyey ka badiyey Bayern Munich iyo Benfica oo min 3-0 ku garaacay, mana haystaan wax dhibco ah illaa haddana wax gool ah ma aanay dhalin.

Aguero oo digniin u dirayay ciyaartoyda kooxda ayaa yidhi: “Waa in aanu guuleysano, sababtoo ah, haddii aanaan sidaas samaynin waanu ka baxnay gebi ahaanba tartanka. Laakiin waanu isku kalsoonahay, waxaananu haysanaa dadkii naga caawin lahaa in aanu waxa ugu fiican samayno.”

Waxa kale oo uu Aguero ka hadlay laacibka da’da yar ee Ansu Fati oo wacdaro ka  dhigay kulankii Valencia xilli uu kasoo laabtay dhaawac, waxaanu yidhi: “Ansu Fati waa ciyaartoy da’yar, waxaanu u baahanahay in aanu ka caawino sidii uu usii wadan lahaa korriinka.

“Way adag tahay in lasii wado u ciyaarista heerka ugu sarraysa. Maadaama aanu nahay ciyaartooyo khibrad leh, waa in aanu caawino isaga, qof kastaana wuu ogyahay hibada ciyaareed ee ku jirta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here