XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahankii hore ee Manchester United Wayne Rooney ayaa ku boorriyay tababaraha Liverpool Arne Slot inuu qaato “go’aan weyn” oo uu keydka ku gelinayo Mohamed Salah, isaga oo ku eedeeyay in xiddiga Masaarida in uusan wax badan ku soo kordhin difaaca isla markaana aanu saamayn muuqata ku yeelan natiijooyinka kooxda kulamadii u dambeeyay.
Halyeeyga United ayaa si adag u dhaliilay Salah oo uu ku sheegay inuu ku liitay ka qaybqaadashada difaaca, taas oo uu Rooney ku tilmaamay fariin xun oo loo diro ciyaartoyda kale gaar ahaan kuwa kursiga kaydka fadhiya.
Inkasta oo Salah uu xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay tartanka gooldhalinta Premier League, caawinta ugu badan iyo ciyaaryahanka sannadka, haddana xilli ciyaareedkan aad ayuu hoos ugu dhacay iyadoo Liverpool ay ku jiraan xilli adag.
Kooxda Slot ayaa haatan 12 kulan ka heshay 18 dhibcood oo ay ku jiraan kaalinta 11-aad, iyagoo aan weli helin qaabkii adkaa ee ay ku hanteen horyaalka.
Rooney waxa uu intaa ku daray: “Waa inaad eegtaa saamaynta waxa ku dhacay Jota, laakiin taasi marnaba cudur-daar uma noqon karto dadaal la’aanta.”
Waxa uu qiray in shaqada Slot ay tahay mid aad u culus, isaga oo taageerayaasha ka codsaday inay taageeraan tababaraha cusub halkii ay had iyo jeer barbar dhigi lahaayeen Jurgen Klopp. Waxa uu tusaale u soo qaatay sida isbeddellada tababare ee kooxaha kale ay dhib ugu noqdeen marka loo barbar dhigo tababarayaashii hore ee guulaha waaweyn gaaray.
XIGASHO LAACIB.NET
