XIGASHO LAACIB.NET
Kabtankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in Arsenal ay ceyrin doonto macallinka kooxda Mikel Arteta haddii ay xilli ciyaareedkan ku guuldarreystaan hanashada horyaalka Premier League.
Iyadoo sagaal kulan la ciyaaray, Gunners ayaa haatan afar dhibcood ku heysa hoggaanka horyaalka.
Eberechi Eze ayaa dhaliyay gool cajiib ah oo laad cirka sarre ah, taas oo Arsenal u sahashay inay 1-0 uga adkaato Crystal Palace Axadii.
Arsenal waxay dhowrkii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay si dhow ugu dhowaayeen hanashada horyaalka, waxaana Rooney uu rumeysan yahay in kooxda hadda ay leedahay ciyaartoy awood u leh inay guulo ku gaaraan siyaabo kala duwan.
Isaga oo ka hadlaya barnaamijkiisa BBC, Rooney wuxuu yiri:
“Arteta wuxuu haystaa koox hadda ay si dhab ah looga filayo inay horyaalka qaado.
“Waxaan aaminsanahay inay awoodaan. Kooxdu way ku filan tahay tayada, waxayna qaateen khibraddii dhowr sano oo ay ku dhowaayeen inay hantaan horyaalka, laakiin hadda waa diyaar, waa diyaar inay sameeyaan.
“Hadda ma jirto marmarsiinyo. Haddii aysan hanan horyaalka hadda, waxaa laga yaabaa inaad aragto isbedel dhanka tababaraha ah.”
XIGASHO LAACIB.NET
