HomeCiyaarahaWayne Rooney oo magacaabay xiddig caan ah aan boos ka helayn Xulka...

Wayne Rooney oo magacaabay xiddig caan ah aan boos ka helayn Xulka England

=XIGASHO LAACIB.NET=

Ciyaaryahankii hore ee England iyo Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in Jack Grealish uusan awood u yeelan doonin inuu qeyb ka noqdo liiska xulka England ee Thomas Tuchel u diyaarinayo Koobka Adduunka.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii xiddigii hore ee Three Lions uu daawaday guushii 2-0 ee England kaga adkaatay Serbia.

Laba ciyaaryahan oo asal ahaan Nigerian ah—Eberechi Eze iyo Bukayo Saka—ayaa min hal gool dhaliyay, taasoo England u xaqiijisay guushii kulankii ka dhacay Wembley fiidkii Khamiista.

Grealish kama uusan qeyb galin xulka England tan iyo markii Tuchel yimid, inkastoo uu xilli ciyaareedkan qaab cusub oo fiican ku helay amaahdiisa Everton.

Rooney ayaa aaminsan in fursadda Grealish ay durba dhammaatay.

“Jack Grealish hadda wuu aadi karaa fasaxiisa xagaaga, waayo liiska laguma darayo,” ayuu Rooney ka yiri The Wayne Rooney Show.

“Waxaad arkaysaa Andy Gordon oo laga reebay xulka laakiin weli lama casuumin Grealish, sidaas darteed waxaan u malaynayaa in Thomas Tuchel go’aankiisu cad yahay.”

Rooney waxa uu intaas ku daray:“Isku aadkan caalamiga ah wuxuu ahaa fursaddii ugu fiicnayd ee loogu sheegi lahaa Harry Kane, ‘Usbuuc fasax ah qaado’. Isagu uma baahna inuu is-qasbo”

=XIGASHO LAACIB.NET=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -