XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa soo bandhigay saadaashiisa xilli ciyaareedka 2025/26 ee Premier League.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Match of the Day ee BBC Sport, Rooney ayaa shaaciyay in Liverpool markale ay ku guuleysaneyso horyaalka, taasoo noqonaysa hanashadii labaad oo xiriir ah. Kooxda Anfield ayaa xilli ciyaareedkii hore qaaday horyaalka, iyagoo 10 dhibcood ka horreeyay Arsenal.
Rooney waxa uu saadaaliyay in Gunners ay mar kale ku dhammaysan doonaan kaalinta labaad, halka afarta sare ay soo buuxin doonaan Manchester City iyo Chelsea.
Sida uu sheegay, Manchester United ayaa kor uga soo kici doonta kaalintii 15aad ee ay ku dhammaysteen xilli ciyaareedkii hore, waxayna xilli ciyaareedkan ku dhameysan doonaan kaalinta shanaad.
Rooney ayaa ka hadlayay xaaladda United:
“Wali waxaan u maleynayaa inay u baahan yihiin hal ama labo saxiix oo dheeraad ah. Laakiin waxaan arkaa waxa Amorim sameynayo. Waxay u muuqataa mid ka sii wanaagsan doonta xilli ciyaareedkii hore. Waxaan saadaalinayaa inay si lama filaan ah uga soo muuqan doonaan shanta sare.”
XIGASHO LAACIB.NET
