XIGASHO LAACIB.NET 
Halyeeygii xulka England Wayne Rooney ayaa sheegay in waayihii wanaagsanaa ee xiddiga Liverpool Mohamed Salah uu soo afjarmi doono marka uu dhammaado xilli-ciyaareedkan.
Rooney ayaa sheegay inuu si dhow ula socday Salah intii lagu guda jiray Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON) ee ka dhacay Morocco, isla markaana uu arkay hoos-u-dhac muuqda oo ku yimid qaab-ciyaareedkiisa.
“Waayaha Salah wuxuu dhammaan doonaa marka uu xilli-ciyaareedkan dhamaado,” ayuu Rooney ka yiri barnaamijka The Wayne Rooney Show.
“Waxaan daawaday kulamadiisii AFCON. Xawaarahiisii iyo awooddiisii waalida ahayd ma ahan sidii hore. Tani ma aha qalad isaga ka yimid, balse waa wareegga dabiiciga ah ee uu maro ciyaaryahan kasta.”
Rooney ayaa intaas ku daray:
“Waxaan aaminsanahay in xagaagan wixii ka dambeeya ay sannadihiisii soo afjarmi doonaan.”
Si kastaba ha ahaatee, Rooney ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Salah, isagoo yiri:
Ugu dambeyn, wuxuu qirtay in inkastoo Salah weli yahay ciyaaryahan weyn, haddana:
“Nasiib darro, hoos-u-dhac qaab-ciyaareed ah ayaa si cad u muuqda.”
XIGASHO LAACIB.NET
