Ankara (dayniiile.com)-Meel u dhow xarunta baarlamaanka dalka Turkey  ee magaalada Ankara waxaa maanta ka dhacay weerar isqarxin ah kaasoo gaystay khasaare nafeed.

Weerarkaan waxaa ku dhaawacmay laba askari oo booliis ah mana jirin khasaare kale sida ay warbaahintu tabiyeen.

Advertisement

Sidoo kale wasaarada arimaha gudaha iyo wasaarado kale ayaa meesha qaraxa ka dhawaa.

Masuul u hadlay Wasaaradda ayaa sheegay in labada qof ee weerarka qaaday ay 9:30 kii subaxnimo ee waqtiga dalkaasi gaari ku yimaadeen afaafka hore ee iridda laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayna qaadeen weerar Bambaano.

Wasaaradu waxay sheegtay in weerarkaasi ahaa mid argagaxiso inkastoo wali aaney cidina sheegan inay weerarkaan ka danbeeyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSiyaasiyiinta Isbadal doonka Maamulka Koonfur-galbeed  oo maanta  kulan la qaateen Safiirka Britain.
Next articleCiidamada Dowlada iyo kuwa Atmis oo iska kaashtay fashilinta Miino maanta la geliyay duleedka Baraawe+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here