GARISA (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar qorsheysan waxay ku qaadeen iskuul-ka Dugsiga sare ee Umu-salama oo ay si gaar ah wax uga bartaan gabdhaha iyagoona geystay khasaare nafeed oo kala duwan.
Kooxaha hubeysan waxay dileen oo nata dhaaiyeen mid ka mid ah ilaalada Iskuulka halka ay dhaawaceen mid kale oo isna ilaalada ka mid ah, kooxaha dilka iyo dhaawaca fuliyay ayaa goobta ka baxsaday.
Maamulka Iskuulka ayaa Booliiska ka codsaday warbixin buuxda ka soo saraan dhacdadaani iskuulka lagu beegsaday islamarkaana sida ugu dhaw usoo andhigaan macluumaadka danbiilayaasha.
lama yaqaan kooxaha ka danbeeya weerarkaani inay burcad yihiin ama in kooxo kale ka danbeeyaan inkastoo tuhunka ugu weyn uu yahay inay ka dan beeyaan kooxaha daroogada isticmaala ama dhaqaalaga ka sameeya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
