Muqdisho (dayniiile.com))-Wararka laga helaayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen fariisimo kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaan ku dhaw Magaalada Camaara.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in duqeymaha ay ku soo dhaceen deegaanka ay Alshabaabku sugan islamarkaana ay arkeen habaaska ,holaca iyo qiiqa ka dhashay duqeymaha.
Advertisement
Saraakiil Dowlada ka tirsan ayaa sheegay inuu jiro khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dagaalamayaasha Alshabaab.
Dhanka kale ma jirto warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeymahaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM