WAAJID (DAYNIILE.COM)-Dagaal yahano ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa la soo sheegayaa inay weerar gaadmo kala kulmeen ciidamada Milatarga Somalia.

Wararku waxay tilmaamayaa in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad la isu adeegsaday hubka nuuyadiisa kala duwan iyadoo ugu danbeyna ay laga saaray goobta kooxihii Alshabaab-ka ahaa.

Advertisement
Sida uu lagu baahiyay warbaahinta Dowlada goobta lagu weeraray Alshabaab oo ahayd meel ay isku urursanayeen inay gabi ahaanba hada gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga Dalka.
Warka laga helaayo dhanka saraakiisha Dowlada waxay sidoo kale sheegayaan inay hayaan meydadka dagaalyahano ay alshabaab ka dileen inkastoo aysan soo bandhigin balse ay balan qaadeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleWasiirka Warfaafinta oo la wadaagay Madaxweynaha Zanzibar dhambaal uu kaga sido Madaxweyne Xasan
Next articleDowlada Somalia oo maanta gudbineysa heshiiska rasmiga ah ee ku biirista Ururka Bariga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here