Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Somaaliya iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Tuulada lagu Magacaabo Doonka oo kutaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Afgooye & Walanweyn una dhow degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Ciidan oo gelbineysay Booyado Shidaal u waday Xerada ciidamada Kumaandooska Danab ee Ballidoogle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad laba Saacadood.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen 5 Ruux oo labada dhinac ah halka Afar kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka Tuulada Doonka ee degmada Afgooye ay sheegeen inay siweyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin weerarkaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli todobaadkii hore degaanka Xaawa Cabdi oo kuyaalla wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye weerar jidgal ah lagu gubay Booyado Shidaal siday, weerarkaas oo ay sheegteen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here