Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in xalay weerar bambaano lagu qaaday goob maqaayad ah ay ku sugnaayeen dad shacab ah .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in bambaano lagu soo tuuray maqaayad kutaala Xaafada Dalxiiska ee magaalada Kismaayo, waxaana xiliga bambaanada lagu soo weerarayay maqaayada ku sugnaa dad kala duwan.

Inta la xaqiijiyay shan qof oo la sheegay in ay shacab ahaayeen ayaa weerarka bambaano ku dhaawacmay, waxaana dadka dhaawacyada soo gaareen loola cararay isbitaalka magaalada Kismaayo oo lagu daaweenayo.

Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa wada howlaglo ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano oo la sheegay in goobta si deg deg ah uga soo baxsadeen.

Magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo badanaya weerarada bambaano ee lagu weeraro xarumaha dowlada iyo goobo kale, waxaana ciidamada amaanka Jubbaland kordhiyeen howlagalada si uga hortagaan falalkan soo kordhay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here