Wararka laga helaayo Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in halkaasi weerar qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa  Milatariga Kenya.

Qaraxaan oo ay ka danbeeyeen kooxda Alshabaab ayaa sababay dhimashada 2 askari iyo dhaawaca 6 kale.

Ciidamadaani qaraxu lala helay ayaa watay gaari dagaal mana aha markii ugu horeysay oo dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka fuliyaan dhulka ku dhaw xuduuda Somalia iyo Kenya.

Halka weerarka lagula eegtay ciidamada Kenya oo ah deegaanka Carabiya ayaa ka mida meelaha Alshabaabku ka fuliyaan weerarada ay ku bartilmaameedsadaan Ciidamada ilaalada Xuduudaha ee Kenya.

Ma iirto warar faahfaahsan oo ka soo baxay taliska ciidamada Kenya ee Mandheera iyo waliba dhanka kale ee Alshabaab

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM
MOGADISHU-SOMALIA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here