Rag hubeysan oo aan weli la aqoonsan ayaa toogasho ku dhaawacay muwaadin Soomaali ah oo ku sugnaa Bartamaha Suuqa Karmel Mall oo ay Soomaalidu ku ganacsadaan ee magaaladda Minneapolis dalka Mareylanka.

Wiilka la toogtay ayaa lala beegsaday shan(5) xabadood, balse waxaa ku dhacday oo lala helay hal xabad oo keli ah., isla markaana uu soo gaaray dhaawac, sida uu sheegay mid kamid ah Soomaalida ku sugneyd Goobta.

Booliska Magaalada Minneapolis oo wada baaritaano xoogan ayaa sheegay in aysan weli ogaan sababta loo beegsaday muwaadinka Soomaaliga ah, hayeeshee faah faahinta ay dib kasoo sheegi doonaan.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Minneapolis ayaa waxaa ay sheegeen inay soo wajahday cabsi amni darro kadib markii ay kordheen weerarada lagu haayo Soomaalida.

Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dhowr weerar oo Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here