Muqdisho(dayniiile.com)-Ciidamaad Booliis Milataariyada ee loo yaqaan Ciidamada Xasilinta Xamar ayaa la soo sheegayaa in saaka weerar Bam loogu gaystay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Inkastoo aan la hubin kooxo loo maleynatyo inay Alshabaab yihiin ayaa Bam-gacmeed ku tuuray ciidamadaan oo fariisin ama bar kontorool ku leh isgoyska Deegaanka Ceelasha Biyaha sida ay sheegtay Idaacada Dalsan.

Advertisement

Wararka waxay intaas ku darayaan in rasaas badan la maqlay qaraxa bamka kadib taasoo ay ridayeen ciidamada booliis Milataraarida la weeraray.

Sidoo kale waxaa goobta isaga baxsaday kooxihii weerarka Bam soo qaaday,markaasoo ciidamada Xasilintu isku fidiyeen hareeraha meesha lagu soo weeray si ay usoo qabtaan kooxihii  bamka tuuray balse wararka aan heleyno ma sheegayaan in wax dad ah loo qabtay ku lug lahaanshaha weerarkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxkamada Ciidamada oo Saaka dil ku xukuntay Laba Dagaalame oo Alshabaab ka tirsanaa
Next articleShir Dhuusa-mareeb ay ku leeyihiin Mucaaradka Koonfur-Galbeed iyo Madaxweyne Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here