BARIIRE (DAYNIILE.COM)-Weerar cir iyo dhul ah oo ay iska kaashteen ciidamada Dowlada Somalia, kuwa deegaanka,Midowga Afrika iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu qaaday Alshabaab isku urursanayay duleedka Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Weerarkaan oo ay guulo ka wada sheegteen ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ,Dowlada Somalia iyo Alshabaab ayaaney jirin warar madax banaan oo kala xaqiijinaya.
Saraakiisha Dowlada Somalia waxay shegeeen inay ilaa 10 dagaalame alshabaab kaga dileen weerarka ay ku qaadeen banaank Bariire xili Alshabaab halkaasi isku urursanayeen.
Sidoo kale Taliska Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM ayaa iyaguna sheeganaya guulo ay ka gaareen weerar ay Alshabab dhankooda kaga qaadeen walow ay ciidamada Dowlada is garab sanayeen.
Weerarkaani tooska ah ee Alshabaabka lagu qaaday waxaa u sii dheer mid xaga cirka ay ka duqeeyeen saaxiibada Caalamka inkastoo aan war rasmi ah laga soo saarin duqeymaha iyo waxa khasaare ka soo gaaray kooxda Alshabab.
War dhanka Alshabaab ka soo baxay ayay iyaguna ku sheegteen inay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ay ku dileen dagaal ay duleedka Bariire kula galeen Dowlada walow aaney cadeyn soo bandigin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
