GAZA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo marinka Gaza ayaa sheegaya in Ciidamada Israa’iil duqeynndiyaaradeedvku dikeen shacab badan oo reer Falastiin.

Wararka ayaa tilmaamaya in 24-kii saac gudahood ay Yuhuudu dishay 59 reer Gaza ah iyadoo sidoo kale la dhaawacay 83 kale.

Advertisement

Xasuuqaan lagu hayo shacabka reer Gaza ayaa wali sii socda xili Israa’iil diiday gabi ahaanba baaqyada Caalamka iyo Qaramada Midoobe taasoo ah xabad joojin laga gaaro dagaalka Gaza.

Xaalado adag ayay ku jiraan shacab badan oo reer Gaza ah madaama gabi ahaanba la go’doomiyay islamarkaana aan loo ogoleyn in xitaa la gaarsiiyo caawimaada Carabta kaga imaaneysa sida raashinka ,dawada iyo shidaalka.

Khasaaraha ugu dambeeyay ayaa ka dhigaya wadarta guud ee lagu dilay Gaza tan iyo Oktoobar 7 ilaa 32,975, iyadoo 75,577 ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Ugu yaraan 8,00oo qof oo kale ayaa la la’yahay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaamulka Gobolka Banaadir oo shir u qabtay Gudoomiyeyaasha Isboortiga ee Degmooyinka Muqdisho+SAWIRRO
Next articleC/raxman C/Shukuur ” Waa ayaandarro wayn in Wasiir  uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here