Weerarkii Gantaalada ahaa ee xalay saq dhexe TPLF ay ku asqaysiisay Bahardar caasimada Ismaamulka Amxaarada weli khasaarihiisa lama shaacin.

Goobaha bar tilmaameedka ahaa ee Gantaaladu haleeleen waxay kala ahaayeen…

1.Xerada Ciidanka

2.Garoonka Diyaaradaha

3.Kaydka Hubka

Tigreegu waxay sheegeen in ay kaga aargudanayeen weeraradii Cirka ee lagu haysy maalmahan caasimadooda Makelle.

“If anyone gets the idiotic idea to bomb #Mekelle city then thinks their cities will be safe, they are day dreaming. Tell your stupid leaders to withdraw their marauder soldiers from our land or face the consequences. You are in our land we are not in yours!

Sida muuqata Tigreegu waa iska difaaceen weerarkiii balaarnaa ee Abiy mana jiro dhul iyo difaac laga qabsaday ilaa iyo hada.

Dagaalkii adkaa ee Doraad waxaa laysla waafaqsan yahay in Ciidanka Abiy jab xoog leh soo gaaray oo khiyaano Milatari lagu sameeyay.

Sidoo kale shalay dagaalkii dhacay Tigreegu si adag ayay sutida ugu qabteen Ciidanka Abiy.

Ugu yaraan 90.000 oo Askari iyo Hubkii Ethiopia oo idil,ayuu Abiy galiyay Weerarka.

Hadii dagaalku sidaan kusii socdo Tigreega ayay guulesan kara wayo malamihii u dambeyey Guusha ayaga ayaa racdey.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here