Qarax saakay ka dhacay Muqdisho oo lala eegtay saraakiil ka tirsan Qaraamda Midoobay ayaa waxaa la arkayay Wiilka ku magacaaban amniga gobolka Banaadir oo Live goobta laga soo galay daawanaya.

Markuu ogaaday halka uu qaraxa ka dhacay 5 daqiiqo ka dib, wuxuu bartiisa kusoo qoray Post ka baxsan mowduuca Qaraxa, kaas oo ay bulshada Soomaaliyeed ku dhaliileen is-maahintiisa.

Daqiiqado ka dib isla isagii ayaa la xiriiray qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho oo u sheegay in ay suuqa u galiyaan in bartilmaameedka uu isaga ahaa, qaraxuna uu ahaa mid abaabulan!.

Kooxda Al Shabaab ayaa baraha xiriirka dadweynaha ay wax ku qoraan ku shaaciyay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Saraakiil Qaramada Midowbay ka tirsan oo kasoo baxay Xalane sida ay warka u dhigeen.

Shacabka Soomaaliyeed oo ay fajac ku noqotay arrinta wiilkan ayaa durba u baxshay “Qarax sheegte”, waana qofkii ugu horreyay ee Soomaali ah oo isagoo gurigiisa jooga sheegta in uu qarax ka badbaaday.

Cali Aadan Muumin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here