HomeCiyaaraha“Weligay ma illaabi doono” – Bernardo Silva oo farriin qalbi taabad ah...

“Weligay ma illaabi doono” – Bernardo Silva oo farriin qalbi taabad ah u diray taageerayaasha City

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga Khadka dhexe ee Manchester City, Bernardo Silva, ayaa fariin taabanaysa u diray taageerayaasha kooxda, isaga oo dib u milicsanaya sagaalkii sano ee uu ku qaatay magaalada Manchester.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa yiri:

“Haa, waxaan ahay qof aan ku dhalan Manchester, balse halkan joogay sagaal sano, haddana dareemaya inuu Mancunian yahay, taasi waxay iga dhigeysaa mid aad u faan badan.”

Silva ayaa intaas ku daray in maalinta uu ka tago kooxda uu weligiis taageeri doono Man City.

“Maalinta aan ugu dambeyn baxo, waan idin hubin karaa inaan mar walba taageeri doono kooxdan. Waxaan dareemayaa inaan noqday qayb ka mid ah kooxda iyo taageereheeda, ma ahan kaliya ciyaaryahan.”

Wuxuu sheegay in xirashada calaamadda kabtannimada ay sharaf weyn u tahay, maadaama uu sannado badan noloshiisa ku qaatay Manchester.

“Sagaal sano ayaan halkan joogay. Waa meesha aan ka bilaabay xiriirka aan la leeyahay xaaskeyga, waa meesha aan ku dhalay gabadheyda koowaad.”

Silva ayaa xusay in xitaa marka uu 60 jir noqdo uu mar walba Manchester ku xasuus naan doono xilli farxad oo weyn, isaga iyo qoyskiisaba, maadaama gabadhiisu ku kortay halkaas.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -