XIGASHO LAACIB.NET
Difaaca reer Talyaani Riccardo Calafiori ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu tababare Mikel Arteta ugu qanciyay inuu ku biiro Arsenal, isagoo muujiyay in aysan ahayn kaliya kubadda cagta, balse ay ahayd xiriir shucuur iyo faham bini’aadantinimo.
Isagoo la hadlayay Sports Illustrated, Calafiori ayaa sheegay in kulankoodii ugu horreeyay Arteta uu ahaa mid aad uga duwan wada-hadallada caadiga ah ee suuqa kala iibsiga.
“Markii hore wuxuu rabay oo kaliya inuu i la kulmo si uu iigu sharxo mashruuca uu iigu talagalay,” ayuu yiri Calafiori. “Wuxuu ii soo bandhigay faahfaahin badan, tirokoobyo, qorshayaal… xitaa wuxuu ii muujiyay sawirro qoyskayga ku aadan.”
Qodobkaas ayuu Calafiori ku tilmaamay mid aan waligiis illoobi doonin.
Calafiori ayaa sidoo kale amaanay jawiga Arsenal, isagoo sheegay in dhammaan shaqaalaha kooxda ay si dhab ah diiradda u saaraan horumarinta ciyaartoyda.
