Weriye Cabdicasis Gurbiye, 24-kii saac ee uu sida gardaradda ah ugu jiray xabsiga dhexe ee Xamar, waxaa uu 2 jeer la kulmay weriye Maxamed Abuuja oo isna sharci darro halkaas ugu xiran

0

Cabdicasis Gurbiye oo Abuuja ugu tagay qolka uu ku xiranyahay, waxa uu kala sheekeystay nolosha xabsiga. Abuuja waxa uu Gurbiye uga warramay xaaladdiisa isaga oo usoo dhiibay farriimo badan, laakin arrimaha uu Abuuja ka hadlay waxaa ka mid ahaa in xabsiga dhexdiisa loogu keenay dad Al-shabaab ah kuwaas oo la weydiiyey in Abuuja ay yaqaanaan oo uu ka tirsan yahay iyo in kale? Abuuja waxa uu leedahay raggii Al-Shabaabka ahaa waxay baarayaashii u sheegeen in ninkan(Abuuja) aaney aqoon, isla markaana aanu kooxda ka tirsaneyn, waana iska tageen.

Weriye Abuuja waxaa uu la yaabanyahay sababta weli loo heysto, waxa uu Gurbiye, weriyeyaasha Soomaaliya, shacabka guud ahaan iyo hey’adaha caalamiga ah ugu baaqay iney badbaadiyaan.

Gurbiye waad ogtihiin in loo ciqaabey maxaad Farmaajo wax ugu sheektay, dagaal ayaana lagu soo furtay, hadda waa waqtigii loo gurman lahaa Abuuja.

#FreeWeriyeAbuuja

Cali Aadan Muumin

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here