HomeWarkiiWiil hubeysan oo dad badan ku laayay Iskuul ku yaal Dalka Austria+SAWIRRO

Wiil hubeysan oo dad badan ku laayay Iskuul ku yaal Dalka Austria+SAWIRRO

GRAZ (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Graz oo ah xarunta labaad ee Dalka Austria ayaa sheegaya in wiil 21 jir ah ii hubeysani dad badan ku laayay iskuul ku yaal Magaaladaasi aroortii hore ee saaka.

Wiilka oo 2 qorey ku hubeysnaa ayaa markii uu iskuulka tagay wuxuu toogtay oo nafta dhaafiyay 9 ruux halka isagana 10 looga dhigay tirada guud ee dhimashada goobtaasi ka dhacday.

Booliisku waxay sheegeen in ninkaas isdilay markii uu dilka fuliyay kadib xili uu ku jiray musqusha dugsiga,guud ahaan hubka uu adeegsaday wuxuu ahaa mid u sharciyeysay dilaaga.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Booliisku wadaan baaritaan si ay u ogaadaan Wali waxay wadaan baaritaanka si loo ogaado sababta wiilkaani ku xanbaartay inuu falkaasi u geysto.

Waxaa shir jaraa’id wada qabtay Wasiirka arrimaha gudaha Austria Gerhard Karner, Chancellor Christian Stocker, guddoomiyaha Styria, Mario Kunasek iyo wasiirka waxbarashada ee Austria Christoph Wiederkehr kuwaas oo saxaafada uga warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Wasiirka arrimaha gudaha Austria Gerhard Karner, Chancellor Christian Stocker, guddoomiyaha Styria, Mario Kunasek iyo wasiirka waxbarashada ee Austria Christoph Wiederkehr ayaa shir jaraa'id ku qabtay meel u dhow iskuul ay dad badan ku dhinteen toogasho ka dhacday June 10, 2025 Magaalada Graz

Masuuliyiinta qaarkood ayaa saxaafada u sheegay ninkii weerarka geystay uusan horey ugu diiwaangashayn booliiska islamarkaana ay tahay markii ugu horeysay oo fal danbiyeed lagu helo

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMBooliska ayaa adeegsanaya diyaarado iyo wax kasta oo ay u baahan karaan inta ay joogaan halka weerarku ka dhacayIlaa 10 qof ayaa dhimatay oo uu ku jiro  ninkii weerarka gaystayBooliska ayaa la tacaalaya xaaladda iskuulka toogashadu ka dhacdayElke Kahr duqa magaalada wax ka dhaceen

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -